Shirka Hagida iyo Iskuduwida Howlaha Biyaha
𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐲𝐨, 𝟏𝟗 𝐀𝐮𝐠 𝟐𝟎𝟐𝟒: Waxaa maanta xarunta dhexe ee Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland ka qabsoomay shirkii billaha ahaa ee Hagida iyo Iskuduwida Howlaha Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafada Jubaland.
Shirkan oo uu hogaamiyo Agaasimaha waaxda biyaha mudane 𝗟𝗶𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗼𝘄𝗹𝗶𝗱 ayaa maanta diirada lagu saaray
1. Sidii looga jawabi lahaa xaaladaha shuban biyoodka ee kasoo cusbonaaday tuulooyinka galbeedka kismayo iyo degmooyinka Gado qaar ka mid ah
2. Ka shaqeynta hagaajinta helitanka biyo nadiif ah, fayadhowr haboon iyo dhiirigalinta nadaafada iyo badqabka biyaha
3. Hormarinta mashaariicda WASH-ka Jubaland, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka bahda howlahan ka shaqeynaysa.
Ugu danbeyntii agasimaha waaxda biyaha ayaa soo xiray shirka waxa uuna kusoo dhamaaday guul iyo is af-garad.
— 𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃 —
XAFIISKA XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA TAMARTA IYO KHEYRAADKA BIYAHA.
Kismayo, Jubaland, Somalia.
𝐅𝐚𝐜𝐞𝐛𝐨𝐨𝐤: https://www.facebook.com/MoEWRjubaland?mibextid=LQQJ4d
𝐓𝐰𝐢𝐭𝐭𝐞𝐫: https://x.com/moewr_jss?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
𝐄𝐦𝐚𝐢𝐥: [email protected]
𝐖𝐞𝐛𝐬𝐢𝐭𝐞: moewr-jubaland.so