Tababarka sare u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda.

By Ministry of Energy and Water Resources Jubaland

Kismaayo , Sunday ,27th April 2025 - Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland, Mudane Ahmed Osman Siyah, ayaa soo xiray tababar socday labo maalmood (26-27th April 2025), kaas oo loogu talagalay sare u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda.
Tababarkan oo uu daadihinaayay Agaasimaha Waaxda Tamarta, Mudane Abdisalan Haji Aden, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta xirfadaha fudud (Soft Skills) iyo xoojinta habsami u socodka shaqada maalinlaha ah.
Agaasimaha Guud oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa ku dhiirrigeliyay shaqaalaha inay ku dabaqaan aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ka kororsadeen shaqadooda maalinlaha ah.
Sida oo kale, Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha ayaa ka qeybgalay munaasabadda, iyaga oo bogaadiyay dadaalka shaqaalaha iyo baahida loo qabo tababaro noocan oo kale ah.