𝗗𝗼𝗹𝗼𝘄, 𝟮𝟴 𝗝𝗮𝗻𝘂𝗮𝗿𝘆, 𝟮𝟬𝟮𝟱:Xarigjar Ceelbiyood Cusub - Degmada Dolow

By Ministry of Energy and Water Resources Jubaland

𝗗𝗼𝗹𝗼𝘄, 𝟮𝟴 𝗝𝗮𝗻𝘂𝗮𝗿𝘆, 𝟮𝟬𝟮𝟱: Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland, maamulka Degmada Doolow, iyo hay'adda UNICEF ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray ceelbiyood cusub oo ay wasaaradu 

ka hirgeliyay xerada barakaca Ladan ee Degmada Doolow.
Mashruucan muhiimka ah ayaa lagu xallinayaa dhibaatooyinkii biyo yaraanta ee muddada dheer ka jiray xeerada barakaca, waxaana ceelbiyoodkan loo rakibay nidaam waraabin casri ah oo ku shaqeeya tamarta cadceedda (𝗦𝗼𝗹𝗮𝗿 𝗘𝗻𝗲𝗿𝗴𝘆).
Mashruucan ayaa si weyn uga faa’iideynaya bulshada barakacayaasha, iyada oo gacan ka geysanaya kor u qaadista noloshooda iyo horumarinta adeegyadooda asaasiga ah.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka socda Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo uu ugu horeeyo iskuduwaha Gobolka Gedo mudane Said Abukar Sayid, madaxa arrimaha bulshada Doolow, madaxa mashaariicda iyo xiriirka hay'adaha Doolow, iyo Masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF.
Ceelbiyoodkan cusub ayaa ah mid horseed u noqon doona horumar waara iyo badbaadinta bulshada ku nool xeerada barakaca Ladan.